Sunday, January 22, 2012

Hooyadan hurdada waydayee hibasha ooyaysa waxaa curiyay Abwaan Hurre Dabayl.




Gabaygan waxaa curiyay wuxuuna kaga hadlayaa dhibaatooyinka ay dumarka Soomaliyeed dagaalada kala kulmayaan.
1 Habeen dumay habaarada dhiciy kala halawgeena
2 Hohiyo wayda iyo ciilka'iyo kala habawgeena
3 Hooyadan habeeniyo dharaar hoobiyuhu jiidho
4 Hooyadan hurdada waydayee hibasha ooyaysa
5 Hooyadan baroortiyo ilmadu huga ka qoynayso
6 Hooyadan huqdiyo ay dileen hawkarkiyo ciilku
7 Hooyadan shuftadu kuherdantiyo hiriqle reerkiisu
8 Hooyadan amxaarka horfadhya ka'hanfariiraysa

9 Hooyadatan hawdkiyo cidlada kuhinda waasaysa
10 Hooyadan hubkii cadowgu siday lagu halaagaayo
11 Hooyan hulqaha liita iyo doqonku hooshaayo
12 Hooyadan hamuuntiyo dhibtiyo silicu uu haysto
13 Horaad'keeda kii nuugayeey soo habtee korisey
14 Hooyadan halyeygay dhashiyo hebela soo aastay
15 Hooyadan intii soo hadhiyo dhaawacyada haysa

16 Hooyadan dhamaan habar'dugaag ku herdantoo laysay
17 Hooyadan hooliflow dacawga iyo dhidarku hayl haylay
18 Hooyadatan uu haramcadkiyo hororku boobaayo
19 Hooyadatan hagar'daamadiyo halista loogeystey
20 Hooyadan habaarqabe ragiyo belo kuheesayso
21 Hooyadan haraadkiyo dhibkiyo halacu leefaayo
22 Hooyadan halaagiyo madfaca lagu hareereeyey

23 Hooyadan hawsarkiyo jiibka iyo miinadu haleeshay
24 Hooyadatan hoos'loogudhigay kaarihiyo suuga
25 Hooyadan habaas jiifka ahoo, hooygi laga saaray
26 Hooyadan hungada taaganoo gacalka aan haysan
27 Hooyadatan hodonkii alliyo hiilanka u baahan
28 Hooyadan hargaha quudatiyo hadi caleentiisa
29 Hooyadan hiqloo ooyaysoo hooggu ku idlaaday

30 Hooyadan harada dhiiga jidiyo looga dhigay hoyga
31 Hooyadan haylihii laga furtoo dhaxantu ay hayso
32 Hooyadan hammigi deysay iyo nololba haybteeda
33 Hooyadan hadhkii laga baxshoo milicdu ay hayso
34 Hooyadan hanfada yaasha iyo nacabka loo hooyey
35 Hooyadan halaagiyo labaday nolosha hoosayasa.

36 Hadii aygacmaha hoorsatoo tuugto hodonkeena
37 Hubaashayda way heli waxay haybsatoo idile
38 Hareeraha ilaahow kamari oo hawada raaci
39 Haraadkiyo ilaahow kasaar hawkariyo oonka
40 Haaraha illaahow bogsii ubadka ay hayso

41 Allahayow habaariyo inkaar aanay hoorin
42 Allow hooyga aakhiro janada hadal la'aan seexi
43 Allaw harra nabaadiino iyo hadhac qabow jiifi
44 Hanfigiyo dabaylaha allow uga hareer leexi
45 Hoosiis ilaahow dulkeen heego iyo roobleh
46 Hagartiyo allayow kakori hawsha iyo baaska.

No comments:

Post a Comment