Tuesday, November 3, 2009

WAA GABAY QIIRO LEH OO MAQAAL IYO AKHRISBA AH ( DHAMAC).



Waxaan halkan idiin soo bandhigaynaa gabay cusub(DHAMAC) oo ay tirisay abwaanadda caanka ah ee ka tirsan halgamayaasha jabhadaha xordoonka ee ONLF,Gabaygaas oo ku saabsan rag la yiri waa la dhoofshay,laguna eedaynayo maamulka Cadde Muuse inuu gacanta u gashay Sirdoonka Ciidamada Itoobiya.Abwaanaddan oo magaceeda la yiraahdo Rooda Ibraahin Abdi Gurey(Afjano) . horeyna u tirisay gabayo aad u fara badan oo qiira leh ayaa dhawaan maray la soo xiriirtay shardiid waxay noo sheegtay in dhawr dagaaloo ay la gashay dawladda wayeenka ku soo gaadheen dhaawacyo halisa,waxay kaloo Rooda noo sheegtay in ay xasuuqeen xidhxidheena Ciidamada itoobiyaanku dad fara badan oo qooyskeeda ah.Roodo waxay intaa sii raacisay inaysan waxyaabahaasoo dhan la yaabanayn waayo bay tiri ,mar walba waxaannu u aragna inaanu gumaysi ku hoos jirro,gumaysana caruur iyo cirroole midna ma xaq dhawro,waxyaabaha ay samaynayaan wayeenku waa wax cadawgayaga waa cadaw somaliye samaynayo ,laakiin waxaa ayaan darro ah in dad islaama oo waliba wada dhalasho naga dhaxayso ay gacanta u galiyaan taliska Sanaawi oo waliba ku caan baxay meel kaga dhicidda qawaaniinta xuquuqal insaanka dad Shacaba.
Gabay Cusub ee Dhamac & Rooda Ibrahim Halkan Guji> Dhegayso
Intaa aad dhex joogteen aduun malaggu kaa dheelmin.

Rooda Ibraahim Afjanno oo arrintaa ka gabayday waxay tiri:
Intaa aad dhex joogteen aduun malaggu kaa dheelmin.
Qoraxdii dhacaysaba waxbay kuula soo dhalane.
Dhaka faar wax keeniyo farxadi waysu dhawdahaye.
Dhawaaqii Garoowiyo kayimid dhinaca Boosaaso.
Dhimbiil aad u kululbuu ahaa dhibic rasaaseede.
Dhagahaygu goortay maqleen dhirif i saameeye.
Dhamaan reer Ogaadeenya way wada dhalaaleene.
Dhuuxiyo quluubtaa na huri dhamal sidiisiiye.
Dhuug iyo intay baal cadani dhawda nagu hayso.
Dhanqaryadu nadayn mayso oo waan dhutinaynaaye.
Dhagax turun turiyo qoofalbaa dhadka noo galiye
Boogta dhaymo waydiyo nabraha aan u dhaadhaco’e.
Illahay ha dhawree raggii cadawga loo dhoofshay.
Hooyooyinkii dhaawacmee dhaayaq lagu toogtay.
Iyo kii xabsiga lagu dhex dilay ma aha dheeldheele.
Nimankii ku dhiiraday hadana dherebta saaraaya.
Dhiiggii wadanigay tigree ugu dhawaadeene.
Dhabihii Hargaysay mareen barana sii dheere.
Dhooroof la’aanbay tubtii ugu dhaqaaqeene.
Dhudhubtaa qodxaha badan horaa loogu dhiidhyadaye.
Haday dhayal sadaan reer Puntland taladan dhooboowday.
Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxalkeede
Hadii maamulkaa dhagarta galay aan la dhagax tuurin.
Oon dawga ay dhinac mareen lagu dhaleecaynin.
Oo aan dhismaa dumahayee dhiidhi laga muujin.
Xumaatada in loo wada dhanyahay baa dharaar noqone.
Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxal keede.
Culmida sharciga dheehatiyo dhigaha diinteena.
Odayada dhasiig lagu hirtiyo samaha dhawraaya.
Abwaanada dhambala ee murtida loogu shubay dhiilka.
Dhalintiyo aqoonyahanka aan dhiman damiirkoodu.
Dhumucdii haweenkiyo bulshada udub dhaxaadkeeda.
Dhacdadaa xanuunka leh haday dhiilo galin waydo.
Dhabna aan shacbigu uga gilgilan dhaqanku iimawye.
Aheey nimanka uu cunay dhurwaa loona dhigay gawska.
Dhimashadiyo way suga hayeen dhacan lasaaraaye.
Dhiig duudsiga ani ii gubi dhamac sideediiye.
Wuxuu dhimay nin diidoo indhaha dhoobo kuumariyay .
Waa ruux dhashiisii dafiray oo ka maray dhaare.
Ma wax dhuuman karayey noqdeen nimanka dhaadheeri
Duulkaa martidaa dhaylyadee dhoosha ka halgaaday.
Dhag xumada ayaa lala damcoo fure dharkoodiiye,
Hays dhariijiyeen xishood waa horuu dhumaye.
Dhalaan raadad waawayn hadday dhaygag curiyeene.
Dhoodhoo miyaa lagaga hadhi wayska dhalanteede.
Dhamaantiinba Soomaaliyeey waad na dhababteene.
Intii aan dhufays ugu jireen nacabka dheel maayay
Dhibka aydun noo gaysateen xadadka soo dhaafye.
Dhasalaalaq iyo talo xumaa saa idiin dhigaye.
Waxba dheelalaw socodku yuu idinla dheeraane.
Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawarysaan wali’e.
Gumaysiga na dhalan dooriyee dhaaxa nagu raagay.
Hadii uu na dhabanaanin jiray idinka oo dhaaddan.
Dhankiiniina waakaa tagee idinku dhaantayne.
Dhuubkaynu ugu wada jiraa namana dhaantaane.
Abeesadii na dhaadhyaysaybaad raarta dhigateene.
Dhunkaal iyo waxaad beerateen geed dhagmaanyo ehe.
Dhidibkiyo walaalnimadu waa labada dhoomoode.
Mid haduu dhan taalana kan kale way ladheeliyiye.
Dhinacaad jirteenbaa xumuhu nooga soo dhiciye.
Isticmaarka dhalan dhoolayaad dhabanka saarteene.
Anaguna waramha dhiiran ee dhabar jab gaadhsiiyay.
Iyo dhoonbir halisaan wadnaha kala dhacaynaaye.
Maxaynaga dhaxaynkara Tigree baad u dhurateene
Nin waliba dhul waa leeyihiyo kobu ku dhaataaye.
Hadii lays dhex mari waayo oo dhoorka la is gooyo.
Dhito subag ah lama hela hayiyo dhayda caanaha’e.
Dhir magooshay iyo nabadu waa dheeha aadmiga e.
Da ku dhimata mooyee colaad wiil ku dhalan waaye.
Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawraysaan waliye.
Dhuuryada Itoobiyo ninkii dharaq ka doonaaya .
Ama dhuuni nagu raadsanoow dhoohanaad tahaye.
Waligeedba dheef maysan helin ay ku dharagtaaye.
Dhafoor xumada kama guurto iyo dhuubni tag darane.
Dhiishii fakhriga loogu shubay dhalada loo saarye.
Dhandhamana ka heli maysid iyo dharab qoyaankiiye.
Dharigeeda gaajada aday kugu dhardhaarayne.
Dhar galkiyo wayaanaha xiligu wuu kadhacayaye.
Dhulkanagana waa laga xoreyn dhuudhigaayimide.
Dhaaraan ninkii noqonhayo kuu dhamays tiraye.
Madhex maro wayaanuhu habeen suuqa Dhagaxbuure.
Way soo dhawdahay guusha aan dherersanaayaaye.
Dhirbaaxiyo ushaba waan karraa dhubuqle waashoowe.
Dhawrsanaada Soomaaliyey wax idin dhaadhaanye.

2 comments: