Tuesday, May 12, 2009

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

Taariikhdiisa oo kooban Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sayid Maxamed wuxuu dhashay markay taariikhdu ahayd 1856 guga la baxay ama la odhan jiray " Gobaysane" Wuxuu ahaa gu' barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay hanaqaad noqdeen. Wuxuu ku dhashay baliga la yiraahdo "Sacmadeeqo" oo 7 mayl u jira Buuhoodle kana xiga dhanka waqooyi guud ahaanna dalka waxaa loo yaqaan "Nugaal". Hooyadii waxaa la odhan jirey Carra Seed Magan, Qu'aankana wuxuu ka raacday xer fadhiyi jirtey Nugaal; xarunyeeduna ahayd dooxada la yiraahdo Casuura iyo Yaaheel.

Abbaaraha 1892kii wuxuu u kacay Makka iyo Madiina; waxay israaceen 13 wadaad oo ay isku rer ahaayeen, laba gu' iyo dheeraad bay Makka iyo Madiina ku maqnaayeen; 1895kii ayaa Sayid Maxaded ku so noqday dhulka Soomaaliya wuxuuna ka so dagay xeebta magaalada "Berbara" oo markaa muslin iyo galaba aad loo deggenaa.

Waxaa la yiri markuu Sayid Maxamed doonniduu la socday ka soo degey ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda cashuur inuu bixiyo. "Wuxuu ugu afceliyay "Adiga yaa canshuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay?" dabadeedna afceliyihii baa ku yiri Ingiriiskii " waa wadaad waalane inaga daa". Sidaa daraaddeed waxaa Ingiriisku ku magacaabay wadaadkii waallaa.

Dagaalkii u horreeyey

1900kii ayaa Ingiriisku col lixaadleh soo qalqaaliyey si loo damiyo dabkaas ka baxaya intuuna dhulka ku fidin, haddaba xabbadii maalintaa la riday waxay dhaceysey 20 gu' iyo intii u dhaxaysay.

Inta la hubo ama taariikhahooda la hayo 41 goobood bay Ingiriiska ku kulmeen; kuwii ugu waaweynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa ka mid ahaa kuwan;

Afbakayle waxay dhacday 3/5/1901
Fardhidin >> >> 16/7/1901
Beerdhiga >> >> 10/8/1902
Cagaarweyne >> >> 17/4/1902
Daratoole >> >> 18/4/1903
Jidbaale >> >> 10/1/1904
Ruuga >> >> 9/10/19013
Dayuuraddii >> >> 1/1919

Ingiriisku dagaaladdaa wuxuu u qaybiyay saxddex duullaan oo mid waliba socdey dhowr gu' mid walibana lahaa tabo iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu tala galay, in kastoo aan guul laga gaarin.

Dadka Soomaalida markay rumi run geyday wuxuu u kala jabay labo meelood ; dad Ingiriiska raacay oo garab iyo gaashaan u noqday iyo dad daraawiish oo dagaalkii la galay.

18 gu' markii dagaalkii socday, habeen iyo dharaarna laysku aloolna, labada geesoodna lugu hoobtay, dad iyo duunyana lugu caydhoobay, daraawiishina ku lugabaxsatay buuraha Ceerigaabo iyo arladaas badyarada Cadmeel ujeedadda ayaa Ingiriisku arini ku caddaatay, dabadeedna talo wuxuu ku goostay in daraawiish dayuurado lugula dagaallamo mooyaane aan si kale waxba lagaga qaban Karin.

1919 bishii Janaayo ayaa Ingiriisku Daraawiish kaga so duulay cir iyo dhul, bad iyo bari intaba. Siddeed (8) dayuuradood oo ugu horreeyey waxay duqeeyeen Mirashi, Jiidali iyo Baran, meelahaasoo Daraawiishtu qalcado ku lahayd. Ceeldheer meesha la yiraahdo ayaa lugu so riday dayuurad sideeddii dayuuradood oo ugu horreyey ka mid ahayd, maalintii dambena Taleex bay ku duuleen inkastoo bamkii waxba ka tari waayey.

1 comment:

  1. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete