
Afrika dhaxan iyo qaboow maleh
Afrika kul ku dhibaaya malaheyn
Dhirteeduna waa udgoon
Dhulkeeduna waa ugbaadoo
Inaan dhax tagaan rabaa
Meel madowga lagu dhubo kumaan dhalan
Meelaan diin la dhawreen kumaan dhalan
Meel dhalaanka lagu dhaco kumaan dhalan
Meel dhaqankeey lagu dilo kumaan dhalan
Afriki waa dhulkeeygii aan ku dhashay
Afriki waa dhulkeygii waan ku dhaqan
Afriki waa dhulkeygii waan ku dhiman
Afriki waaa dhulkeygi waan ku dhaadanayaa
Dhab baan u jecla oo dhaliil uma ogoli
Afrika dharag lagama waayinee
Afriki dhul barwaaqo weeyaan
Luul iyo dheman baa ka buuxo
Colaadu markeey dhamaatana
Dhulkeeygii waan ku noqon
Meelaan eedaan ka dhawaaqin kumaan dhalan
Meeleey xaas ku kala dhaqmaan kumaan dhalan
Meelaan waalid la dhageeysan kumaan dhalan
Meel barafku igu dhaco kumaan dhalan
Geeska afrika waa dhulkeygii dhaxal aboowyaal
Geeska afrika waa dhulkeygaan dhaxdii ku koray
Geeska afrika waa dhulkeygaan ku dheeli jiray
Geeska afrika waaa dhulkeygii waan ku dhaadanayaa
Dhab baan u jecla oo dhaliil uma ogoli
No comments:
Post a Comment