Afrika dhaxan iyo qaboow maleh Afrika kul ku dhibaaya malaheyn Dhirteeduna waa udgoon Dhulkeeduna waa ugbaadoo Inaan dhax tagaan rabaa
Meel madowga lagu dhubo kumaan dhalan Meelaan diin la dhawreen kumaan dhalan Meel dhalaanka lagu dhaco kumaan dhalan Meel dhaqankeey lagu dilo kumaan dhalan
Afriki waa dhulkeeygii aan ku dhashay Afriki waa dhulkeygii waan ku dhaqan Afriki waa dhulkeygii waan ku dhiman Afriki waaa dhulkeygi waan ku dhaadanayaa Dhab baan u jecla oo dhaliil uma ogoli
Afrika dharag lagama waayinee Afriki dhul barwaaqo weeyaan Luul iyo dheman baa ka buuxo Colaadu markeey dhamaatana Dhulkeeygii waan ku noqon
Meelaan eedaan ka dhawaaqin kumaan dhalan Meeleey xaas ku kala dhaqmaan kumaan dhalan Meelaan waalid la dhageeysan kumaan dhalan Meel barafku igu dhaco kumaan dhalan
Geeska afrika waa dhulkeygii dhaxal aboowyaal Geeska afrika waa dhulkeygaan dhaxdii ku koray Geeska afrika waa dhulkeygaan ku dheeli jiray Geeska afrika waaa dhulkeygii waan ku dhaadanayaa Dhab baan u jecla oo dhaliil uma ogoli