Thursday, September 10, 2009

Dhulkaygoow maanso cusub waxaa curiyay: Abwaan Maxamed Cabdiqaadi


Waxaan dhaanta iyo saar
Dhab u tumi ciyaaraha
Marka aan dharaar wacan
Adoo ladan dhulkeygoow
Wadar geelu dhalayoo
Lo'du dharab janjanatoo

Dhudihii ku deyshoo
Banku dhabarka simanyahay
Bilic laguma dhaafee
Dhallin igu kalsoon iyo
Is-dhaxtaaga beeshii.

Waxaan dhaanta iyo saar
Dhab u tumi ciyaaraha
Marka aan dhulkeygoow
Dhagixiyo dixdaadiyo
Macdan dheeman iyo luul
Dhanaggaaga baadheen
Dhanahaaga fuudeen
Malabkaaga dhuuqeen
Heybaddaada dheegeen
Kugu aasta dhidibkeen
Bilic laguma dheefee
Dhallin igu kalsoon iyo
Is-dhaxtaaga beeshii.

Waxaan dhaanta iyo saar
Dhab u tumi ciyaaraha
Marka aan dhulkeygoow
Madheedhkoo shindhalayoo
Dhicir wada casaanoo
Hoobaantii dhadeysoo
Dhuluulubo la moodoo
Isu soo dhawaadoo
Dhinaca isa saaroo
Isu dheellitiranoo
Bilic laguma dhaafee
Dhallin igu kalsoon iyo
Is-dhaxtaaga beeshii.

Waxaan dhaanta iyo saar
Dhab u tumi ciyaaraha
Marka aan dhulkeygoow
Dhulsankii Dhadhaaboo
Dhibicdii salaaxdoo
Karartii dharbaaxdoo
Dhulku faaqi buuxshoo
Dhaaxa Dirir karbaashoo
Ubax lagu dhardhaaroo
Dhudhun iyo shan baacoo
Bilic laguma dhaafee
Dhallin igu kalsoon iyo
Is-dhaxtaaga beeshii.

Waxaan dhaanta iyo saar
Dhab u tumi ciyaaraha
Marka aan dhulkeygoow
Dhirqo iyo dhir kala mudan
Dheydhuub carfoon iyo
Gawlalaha dhiteystiyo
Dhaydhay midab qurxoon iyo
Dhiraandhira qodxeystiyo
Qurac lama dhaqaajiyo
Labi dhidibka ciiddiyo
Dhillawyahan dulfuuliyo
Caanaha Dharkeynkiyo
Dufankii Dhammaajada
Ku subkada dhammaantood
Bilic laguma dhaafee
Dhallin igu kalsoon iyo
Is-dhaxtaaga beeshii.

Waxaan dhaanta iyo saar
Dhab u tumi ciyaaraha
Markaan dhogor-Carbeedleey
Geenyada la dhawree
Qurux lagu dhambalayee
Tintu dhabarka jiiftee
Dhaxdu miiqa tahayee
Cirid dhuxul maduulkee
Xiinfiniin dhiggiisee
Dhooddimeer la moodee
Aan kala dhinneenee
Dharab lagu aflixiyee
Dhaqan-wacan xambaartee
Adi kugu dhax-nool iyo
Dhabiil kugu aroosaa
Bilic laguma dhaafee
Dhallin igu kalsoon iyo
Is-dhaxtaaga beeshii.

Dhallintii dalkeygeen
Soo kala dhaqaaqniyo
Dhallaankii magaaliyo
Kuwa Dheeha raacoow
Siduu yahay dhulkeennii?
Ma dhograday gammaankii?
Ma bislaaday Dhuyicii?
Ma bilcammay Dharkeynkii?
Ma gardaadshay Dhiinkii?
Ma magoolay Dhabigii?

Biciidkii dhalmada gabay
Hadda dheys mannoo yahay?
Rahu dhaa ma leeyahay?
Adhigii ma dhaaddimay?
Badhaadhkii ma dhagacsaday?
Geelii mannoo dhalay?
Lo'du dharaq ma leedahay?
Weyshii ma dhucan tahay?
Dhiciskii ma gaamuray?
Dhulku roob miyuu helay?
Dhiddinkii ma dihinyahay?
Ubixii miyuu dharay?
Mise wuu dhacaranyahay?
Dhiilku xoor ma leeyahay?

Caweyskii ma dheeshaan?
Dhuumashow ma looshaan?
Arooskii ma dhacayaa?
Dheellidu ma daran baa?
Dhiladkii ma baxayaa?
Dhurbadii ma higil baa?
Dhoolkii ma muuqdaa?
Sagalkii ma dhalac baa?
Wakaabuhu ma dhey baa?
Dhigaalkii ma muush baa?
Dhasheeggii ma walac baa?
Dhalashadu ma sidi baa?
Colaaddii ma dhimid baa?
Dhaawicii ma baanaa?
Booguhu ma dhayid baa?
Nabadduna ma dhuunkaa?
Ma isu soo dhawaan baa?

Alleylehe dhulkeygoow
Midaan dheefsadaa tahay
Dharaan xiranahaa tahay
Dhuraan quudan baa tahay
Oon ku dhaashadaa tahay
Hooyaan dhawrayaa tahay
Dhabaan seexan baa tahay
Dhallaan aan korshaa tahay
Oon ku dhaaran baa tahay
Dhaaya-nuuriyaa tahay
Nindoor iga dhigaa tahay
Dhididkeygi baa tahay
Dhaxroor aan sitaa tahay.

Allow aan dhulkeygoow
Nabad kugu dhaxjoogaa
Rabbow cadow ku dhuudiyo
Kaa kori dhibaatada
Dadku Dhugataa wiiqdee
Isku soo dhawaadaa
Dhukaankii haleeliyo
Ka dhugbaxa xummaadkii
Anna aan dharaar wacan
Dhuljacayl daraaddii
Ciiddaada dhiinka'a
Intaan labada dhuub dara
Dhuunkadaa sagaal goor
Ilmo dhagac ka siiyaa
Dhabanada ku hoortaa
Anoo hugan dharkaadoo
Calankaaga dhuuqsaday
Dhaantiyo caweys iyo
Hiddaheenna dhaxalka'a
Dhallin igu salaantiyo
Hablo ii dhawaaqaan
Dhabna ii mashxaraadaan
Dharaar kheyr leh weeyee
Laygu soo dhaweeyaa.