Thursday, June 11, 2009

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza) & Erayadiisii Jacaylka.


Waxaan halkan ku soo bandhigeya heeso jacayl ah oo uu tiriyaay abwaanka "Mohamed abdiqadirdaud"stanza"
(1) Heesta: Biimo

Aduunyada baal-ka-baal,Haweenkiyo dumarka badan,Mid qurux kuu babacdhigtaa
Asluub kula baratantaa,Dadnimo kugu beegsataa,Boqoro heesuhu ma qirin
Tashbiihuna muu birbirin,Sawaaxili biibbi iyo Boonjuu Faransiis ma oran
Waxaa tahay waa-baryiyo,Hablaha baarkooda sare.

Qalbiga boog-caashaq iyo Basbaas kulul baa ku shidan,Humriyo qaac baa ka baxa
Bog kuu diihaalay iyo Kalgacal beeruu dagiyo Naf kuu boholyowday baa
Deeqaay kuu baaqayoo,Adaa barafeyn karee Bab iyo aragside ku jecel
Barkaaga jalleecayee Bishaaree Deeqaluul.

Balbali beerkiyo wadnaha Afadi lagu beerayeey,Wakhtigaa ina baasayee
Qorshahaan baandheynay iyo Barkulankii yuu dibdhicin Haddaad iga baaqataa
Naftaan biimeynayaa Xabiibti baddaan dhaxmari
Badbaado Allaa hayee Tintaada inaan barkadaDeeqaay rubaddaan u bixin.

Bardoodami caashaqoo Bulliyo dhaantaan u tumi Babade calan baan u sudhi
Bookh iyo ubax baan u luli Bawlaha dhiiggaan ku habi,Bulshadaan goobjoog ka dhigi
Barbaartaa dheeliyoo,Boggiyo laabtaan ku galin Balqiis kaa dhigi maqsuudMarkaasaan kaala bogan Xubbii baashiyo kalgacal.

(2) Heesta: Beerqaad

Badda iyo cadceeddoo Is-bidhaansadeenoo Midba midi bishaariyo
Ku cabbiray bilkheyroo Baxarjoogayaashuna Midabbada bilcoon iyo
Ku barxeen hannaankii Ayey boqoro Deeqaay Bu'da dhaayaheygaay
Naftu kuugu bururtaa.

Dirirkiyo Bakaalkoo Cirifyada barkadayoo Beekhaanshay nuuroo
Dayaxuna bogaadshoo,Dhulka bookh ku yaallana,Leexada ku beegoo
Biyo-dahab la moodaa,Ayey boqoro Deeqaay
Bu'da dhaayaheygaay Naftu kuugu bururtaa.

Sida biyo-xireennada Buxeyraadka laagaha Togga bulunbulceeyiyo
Biyo qow galaaliyo Fardaamaha dulboodaan Marka dalaggu uu boxo
Ban-waraabay quruxdii Ayey boqoro Deeqaay Bu'da dhaayaheygaay
Naftu kuugu bururtaa.

Birmad Dheeha geeloo Banjoogowday waayoo Cosob iyo barwaaqoo
Bilo hawdka miratoo Intuu dheeggu buuxsamay Ilmo bawdka loo dhigay
Biladayo la moodaa Ayey boqoro Deeqaay Bu'da dhaayaheygaay
Naftu kuugu bururtaa.

Biyadhaca murtida iyo Birimooy ujeeddada Baaweeyey caashaqu
Aan kuu bayaanshee Beerqaadday rubaddoo Biyo iyo sidii baad
Ayaan kuugu baahnahay Marka aan bukoodana Lurka daawo bi'isoo
I baxnaanisaa tahay.

(3) Heesta: Birimo

Birimadii haweenkaay Bilic midaad wadaagtaan Ifka ooma soo bixin
Bogga hooyo kuma qaban Hal'abuur ismey baran Dumar uma buraanburin
Aroos laguma baasheyn.

Billad lama guddoonsiin Fanku bari ma faaqidin Ragna abid ma beegsanin
Ma calmanin barbaar nool Bari qura ma dhuunkanin Burhaantii kalgacalkiyo
Jaceyl laguma baananin.

Ku buunbuunin maayoo Been lama madiixoo Bilaash looma heesee
Inta gabadh bud jiiftiyo Inta baaqi nool iyo Inta aanan soo bixin
Ayaad baro wax dheertahay.

Ileys meel ka baxayoo Raggu wada bidhaanshoo Wada baadigooboo
Boholyoow ku waashoo Bilo lagu riyoodiyo Qurux lama bacleelaay
Beer-dillaaciyaa tahay.

Deeqaay kuu bukoodoo Bayaadeey daraaddaa Hurda kala baqoolnoo
Farxad kala basaasnoo Burkaanadi jaceylkiyo Boogihi cishqiga ba'an
Ma bogsoonin gacalooy.

Badweyntii hiloowgaan Deeqaay kuugu baaqaa Beeraha jaceylkaan
Bari-dhalad daraaddaa U bogaadiyaayoo Ballan aan carjabin iyo
Ubax kuugu beeraa.

Baacuggiyo halbowlaha Xididada butaacshee Beekhaansha dhiiguu
Rabbi kugu dhaxbeeroo Biyadhigay jaceylkuye Halka aan u baahniyo
Igu qaba boggaagoo Deeqaay ii bishaaree.

Waase bari xusuus mudan Mar haddaan is-barannoo Jaceylkii bislaadoo
Ballan ina dhaxtaalloo Calan noo babanayee Waa inoo bar-kulankii
Mirir hayga baaqanin Bookh iyo fiyooraan Barti kuula taagnahay.

Marka aan bureeqooy Barxad kula caweeyeen Barkadaa tintaadeen
Barbarkaaga seexdeen Barqo kaa ag-tooseen Badhaadh kugu cillaamaan
Kuu curin tix badanoo Dugsiyaasha lagu baran Bardhin aanan bi'in iyo
Astaan biid ahaad noqon.

Nasro baahidaadiyo buseyliddaadiyo U Bogaadintaadiyo
Boqran gocoshadaadiyo Baalbaallintaadiyo Balxashada kalgacalkiyo
Bayaad xulashadaadii Waa laygu baahshee Ballantii adkeeyoo
Ku rushee barwaaqoo Farxad ii bishaaree.

(4) Heesta: Dammaashaad

Waxaan Deeqaay ku geyn Darwiishlaanoo dugsoon Dalxiis-wacaneey Sanaag
Sooloo doog ubax xareed Daymada dhaayaha u roon.

Dalkaan laga maarmi karin Dagmada Laascaano iyo Sarmaanyiyo dagin-sankii
Naftaa dooneysa Dhahar Iney ku dabbaaldagtaa.

Daaliyo Ceerigaabo iyo Jidaaliyo darab qurxoon Danaag-badan Xingalool
Masagan gacalkaa dagee Dammaashaad iyo kifaax.

Fardaha iyo deeradiyo Darmaan joogliyo xariir Duunyada xoolaha u wacan
Geelaan doorsoomin iyo Duurjoog badanaa Sanaag.

Ayaa ku dalxiisa Sool Haadaaftimo yaa dagaa Daa'uus Buuhoodle iyo
Laasqoray yaa dawadaa Deeqaay guri kaaga dhiga.

Dadnimo lama baayacee Daruuryahay aan jeclahay Ku daabacan rubadda ee
Dunta uu calaf iigu xiray Anaa duub kugu shixnadi.

Awoowgaa waa darwiish Aabbahaa waa diin-yaqaan Walaalkaa waa nindoor
Hooyadaa dumar waa horseed Diir wacanaa reerka guud.

Dulqaad iyo gobannimiyo,Diyaafiyo soo-dhaweyn Damiir nool geesinnimo
Kalgacal iyo daris-tixgelin Salaan wada diirranaa.

(5) Heesta: Kalgacal

Kalgacal lama daadunshoo Abaal lama daadiyee Duuntii aan wada xidhniyo
Cishqigu wuu igu duxaa.

Deeqaay ubax dibir yaal Man ay xooluhu dardarin Barsiin Daarmaal Cadbaro
Daymada Canab iyo Sabiib.

Sidey dalag bilic-qurxoon Dhaayuhu ugu doogsadaan Ayaan Deeqa-afmadoow
Nasraay kuu daawadaa.

Shamsada deegaanta iyo Dayaxa nuurkiyo ileys Tufaax diirkiisa iyo
Dahaar dahabka iyo luul.

Dunida jaal baan ku nahay Aakhiro daris baan ku nahay Dammaca gacal laba is-jecel
Dareenkeennuna mid qura.

Jaceyl dagay oo xasilay Dubkiyo dhiiggana ku laran Sideenna la daadahshaa
Ma daxaleystee ogoow.

Middaan kali doortayeey Midduu dookhu cuskadaay Allow daar lagu nastaa
Deeqaay aan wada dagnaa.

Allow duunyiyo ciyaal Dadkooda dhamaan anfaca Wadkoon nagu soo dagdagin
Dammacu noo miradhalaa.

. (6) Heesta: Dhabad

Dhabadyahow lalaayee Dhulka iyo daruuraha Sii kala-dhaxqaadee
Orad loo dhammeeyee Ku-dhidbani xawaaraha.

Markaad dhoof u kicitimi Adaan dhaxanta hoortiyo Dhammacdiyo kuleylaha
Dhibsaneynin daalkoo Dhaxmushaaxa leydhee.

Iga qaad dhambaalkaan Dhiigga qalinka uga dhigay Dhaxyartaan jeclahay iyo
Deeqa-dhool u dhiiboo Haku dhaashatee sii.

Dhambaalside ma seexdee Dhalandhool rucliyo orad Hays dhigan socdaalkoo
Dhaxda leyl hasii galin,Dhaqsa soo rogaalceli.

Dhibkastoo ku gaariyo Waxaa dhayi jareexada Dhool aragtideedoo
Anna dheef ma cunayee,Waan kaa dhursugayaa.

Dhabiil weeya heestuye Marka aad dhansiisee Murtidana dhacsiisaa
Dhadhansii hubaashii Dhab inaan u jecelahay.

Dhool waxaad tidhaahdaa Ma dhanuunin caashaqi Gacalooy ku dhaartaa
Dhiiri iyo rug doog-lahaan Deeqaay uga dhaxheesaa.

Seyniskaba siduu dhigi Marbey buurta dheeriba Dhalandoorsantaayoo
Dhirtu dhagaxyo noqotaa Waxkastana dhammaadaa.

Dhimmir-qeybsigeenniyo Dhidban caashaqeennoo Mana ahan dhiggaasoo
Inaan dhimmanna mooyee Burbur iyo dhammaad male.

Ishu dhawriddaadii Dhagtu maqalladaadii Maanku dhugashadaadii
Dhararsaday sugaalkee Ha dib-dhicin xayaatii.



(7) Heesta: Hilow

Gacalo hoygeenna wacan Markaan hiirtii ka bixi Habbaan Deeqaay ku siin.
Hareeraha labada dhaban Haldhaa kaa marin gacmaha Kalgacal baan hoo ku oran.

Habeen wada seexadkuna Waxaan kugu habi jaceyl Oon kuu hugin hagarla'aan.

Hurdada soojeedka iyo Waxaan kula qeybsan howl Xayaatii hadal macaan.

Allaa guul noo hayee Halyeey baad xaas u noqon Taariikhda hor baad ka gali.

Hiloow jamashiyo tixgelin Jaceyl aan hoos u dhicin Deeqaay haasaawo wacan.

Waxaan heesaha u curin Hawraar gabay kuugu tirin Naftaa Hibo kugu kalsoon.

Halkaad joogtaa shishee Haddaan heli kara macaan Habeen maan kala dhaxneen.

Aroos lagu wada hirtiyo Ma hawlyara caashaqee Harraad iyo oon ka dhawr.

(8) Heesta: Qalbiga

Hablaha ciiddeenna guud Horseeddii aan xushaay Hannaan iyo qurux haween
Hubqaad iyo heybad sare Hibooy heyb iyo asluub Middaan lagu haysaneey
Adaa neerfaha haboo Qalbiga hoy baad u tahay.

Habboon hadal lama badshee Haddiyo hiir iyo habeen Adaan kuu heesayaa
Sidaan Hibo kaaga helay Hablaha hadal uma furoo
Hurdadu wey igu yartahay Adaa neerfaha haboo Qalbiga hoy baad u tahay.

Dareenka adaa hagoo Naftaa kuu heellanoo Habbooneey awadaa
Riyaan haasaawayaa Hawraar lagu laray kalgacal Deeqaay hoo iga guddoon
Adaa neerfaha haboo Qalbiga hoy baad u tahay.

Waxaan Hibo kuu hagreyn Jaceylkaan kuu hayiyo Huddoon dhalashada hilbaha
Hiddaha Soomaalinimo
Gacalo hood iyo nasiib Libtana Eebbaa hayaa Adaa neerfaha haboo
Qalbiga hoy baad u tahay.

Hoobaantii caashaqiyo Fiyoorahaad hoo I tiri Habeenkii barashadiyo
Habkaan kuu siiyey ubax Kalsoonidu waa halkii Jaceylkeennaa hirgalay
Adaa neerfaha haboo Qalbiga hoy baad u tahay.

(9) Heesta: Xaqdhawr.

Xaaskeyga gacalaay Xiddigtaan ku faanaay Dahab iyo xariireey

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Ximmaayadi kalgacalkaay Xilkastii haweenkaay,Marna xuuralceyneey

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Runta lama xaseeyee Kuu qiray xabiibtii Xayaat inaad I jeceshahay

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Anigiyo xaggeyguna Ku xardhanid qalbiga oo Xaqiiq weeya caashaqu

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Inaan xiiso kuu qaba Sow kaama aan xulan Xaawaleyda naagaha?

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Xarragada hannaankiyo Tinta dhabarka xaabtaan Xuddoon kugu jeclaadee

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Midabkaaga xamarkiyo Timir lagu xiddeeyaan Xaqsoor kugu jeclaadee

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Xeerin dhalashadeenniyo Hiddahood xambaartaan Xaqiiq kugu jeclaadee

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Waayahan xummaadka'a Is-xilqaamiddaadaan Xogsan kugu jeclaadee

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Xushmaddiyo asluubtiyo Xididkaaga wacan baan Xalaal kugu jeclaadee

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Xisaankii Taleexeey Xaashaalillaahiye Xabiibtii gob baa tahay

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Abaal lama xumeeyee Waxkastood u xiistaba Xaq baad iigu leedahay.

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Nafta waad xasilisee Gacal iyo xabiibeey Xumaan hayga naawilin

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.

Murtidoo xajiintiran Ifka iyo xabaashuba Wehel igu xaqlaa tahay

Xubbi Deeqaluulaay Sidaad ii xaqdhawrtaan Anna kuu xurmeeyaa.